Yaa Isbaaro u Dhigtay Dadaaladii & Waan-wantii Odayaasha Wada Hadalada La Waday Kooxda Shababka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in (3) Odayaasha Dhaqanka ee shalay lagu qabtay Magaalada Cadaado oo heshiis la soo galay Kooxda Shababka aysan keligood ku aheyn dadaaladaasi balse ay gadaal ka riixaayeen Villa Somalia, Madaxtooyada Galmudug iyo Shirkadda Ganacsiga ee S Company…

Shirkadda S Company

Wararka ayaa sheegay inta badan Siyaasiyiinta & Xildhibaanada Beesha Cadaado ay Saamiyo (Shares) ku leeyihiin Shirkadda Ganacsiga ee S Company, Shirkadaan ayaa Ganacsiyo dhowr iyo 2 Malls (KM-4-5) ku leh magaalada Mogdishu, iyadoo mid 3-aad ka qorsheynaayo in dhawaan laga furo Degmada Cabdicasiis.

Xubnaha Saamileyda Shirkadda ayaa Horjoogayaasha ku qasbeen iney ka qaxaan magaalada Mogadishu kadib markii hanjabaad xambaarsan dil loo jeediyay, waxeyna u qaxeen Dalalka Kenya, UAE iyo Turkiga, inkastoo ay si hoose u wadaan dadaalo ay dhaqaale badan ku bixiyeen sidii heshiis ula gaari lahaayeen kooxda Shababka loona soo deyn lahaa Dadka, Xoolaha iyo Gadiidka afduubka loo heysto mudada dheer.

Wararka ayaa sheegay in Xiisadaani qaboojinteeda iyo waan waanteeda ay god dheer ku dhacay kadib markii dilal dhowr iyo dhisme uu leeyahay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Dadkii iyo Ganacsidii kirada ugu jiray muddo saacado kooban ay u qabteen Horjoogayaasha Kooxda argagixisada iney isaga guuraan, ilaa hadda uu dhismahaasi haawanaayo.

Yaa Isbaarada u Dhigtay Waan-waanta:-

Waxaa marqaati ma doonto ah in Odayaasha loo adeegsaday iney waan wanta la galaan Kooxda Argagixisada, waxaana balanqaadyo been ah siiyay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia, Hogaanka Galmudug iyo Waxgarad iyo Ganacsato Beesha Cadaado, inkastoo looga baxay balamihii laga qaaday maanta waxaa Shacbiga loo ifiyay iney (Odayaashani) dhabar gebin ku hayaan Dagaalada looga soo horjeedo kooxda Shababka, iyadoo muqaalo sharaf dil ah lagula kacay lagu shaaciyay Warbaahinta gudaha, si loo cabsi geliyay beelaha kale.

233370cookie-checkYaa Isbaaro u Dhigtay Dadaaladii & Waan-wantii Odayaasha Wada Hadalada La Waday Kooxda Shababka