Qeylo Dhaan Laga Keenay Sad Buursiga Mr.Farmaajo

Somalia news

Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Beeaha Hawiye ayaa walaac iyo shaki ka muujiyay sida uu dib ugu dhigay Magacaabista Wasiirka 1-aad oo qaabka wax qeybiga ay xaq u la haayeen Beelaha Hawiye, kadib markii si ka baxsan Shuruucda dalka lagu riday Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Hasan Cali Kheyre…..

Qeyla dhaantaan ayeey ku sheegeen Waxgaradkaan in Mr.Farmaajo isagoo aan magabaacin Ra’iisul waasre cusub ayaa si hal haleel ah uga degay magaalada Dhuusa mareeb, isagoo ka wakiil ah Beelaha Daroodka iyo Hawiyaha, ficilkaan ayaa lagu tilmaamay sharci darro oo uu ku xad gudbay Awood qeybsigii uu dhigaayay Dastuurka KMG ah, Talabadaanoo si kordhisay tuhunka laga qabay in Ujeeda Mr.Farmaajo uu keli ku noqoday awoodaha Madaxweynaha iyo Wasiirka 1aad.

Kulamada xilyada kala guurka waxaa caado aheyd iney dhamaan ka wada qeyb galaan Mas’uuliyiint sare ee Dowlada Federaalka kuwaasoo lagu soo doortay awood qeybsiga 4,5 iyo Madaxda Dowlada Goboleedyada, laakin hadda ifafaalaha muuqda awoodii Dowladda oo dhan waxaa isku haya Madaxweynaha (Sida Adeerkiis Siyaad Barre).

Aqoonyahan Prof.Kabire ayaa sheegay” Inta uu Mr.Farmaajo isku yahay Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare wuxuu halis ku yahay qabsoomida Shirka dhuusa mareeb-3, iyadoo Maamulada Dowlada Goboleedyada ay wajihi doonaan Mr.Farmaajo oo ka adag shirkii Dhuusa mareeb-2 iyo heshiisyadii lagu gaaray oo aan waxba laga soo qaadi doonin.

inkastoo Dowlad Goboleedka Puntland ay shuruud ku xirtay ka qeybgalkooda in marka hore la magacaabo Wasiirka 1-aad iyo in la fuliyo heshiisyadii horey loo gaaray, Mr.Farmaajo iyo kooxdiisa Gudoonka Barlamaanka ayaa qorsheeyay iney wakhtiga ku lumiyaan is-jiidjiid, iska dabawareeg iyo isla meereyso, si ay u soo baxdo Muddo kororsi, waxeyna horseedi doontaan inuu dalka cagaha la galo dagaalo sokeeye.

55040cookie-checkQeylo Dhaan Laga Keenay Sad Buursiga Mr.Farmaajo