Ma Dhabaa in Kooxda Daacishta (Somalia) ay Xireen Qeybaha Bagaashka & Daawada Suuqa Bakaaraha

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in tiro Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish, ayaa saakay ku amreen in la xiro qaybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan qaybaha ka mid ah gaar ahaan Bagaashka iyo Daawada…

Wararka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda fariisinkoodu yahay Buuraha Calmis ee Gobolka Bari Puntland ay Ganacsatada qeybaha kor ku xusan ay canshuur soo weydiisteen islamarkaana ay u sheegeen in aan loo heynin, waxaana lagu amray iney xiraan meheradaha Ganacsiga.

Kooxdaan ayaa horey sidaan oo kale dhaqaale u weydiisatay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, waxaana dagaal mindhicireed xididada loogu siibay ku qaaday Kooxda Shababka, iyadoo la dilay Horjoogihii kooxda & xubno kale, Ciidamada Dowlada (Boliiska & NISA), ayaa ka gaabiyay iney difaacaan Hantida ay canshuurta ka qaadaan.

210980cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Daacishta (Somalia) ay Xireen Qeybaha Bagaashka & Daawada Suuqa Bakaaraha