QM oo Sheegtay in Dagaalada ka socda Somalia ay ku barakaceen…

Somalia news

Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Warbixino ka soo saartay Colaado iyo nabadgelyo-xumo daba-dheeraatay ee Somalia, waxeyna farta ku godeen iney ku barakaceen 569,000 oo Qof siddeedii bilood ee ugu horreysay sanadkaan, iyadoo Dagaalada looga soo horjeedo Kooxda Argagixisada ay barakacaan saameeyeen..

WHO ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay weli wado howlgallada ka dhanka ah  kooxda Argagixisada, islamarkaana xiisadaha ka dhasha colaadaha iyo dagaalada Gobolada Sool, Sanaah ayaa sababay amni darro iyo barakac, “1.42 milyan oo qof oo cusub kuna nool dalka oo dhan sanadkan 2023-ka, ayaa 569,000 oo qof  ku barakaceen colaado iyo amni darro awgeed,” ayaa lagu yiri warbixintii ugu dambeysay ee WHO ay ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimada.

Ciidamada Dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah  kooxda Shabaabka oo weeraro kala duwan ka geysta magaalada Muqdisho, gobolada dhexe iyo Konfurta, Sanadkii la soo dhaafay, colaado, abaaro iyo daadad ayaa barakiciyey in ka badan 3.8 milyan oo qof oo ku nool Dalka iyo dalalka deriska ah, iyadoo dadka ugu badan ee barokacay ay ku nool yihiin Gobolada Banaadir, Sool, Sanaag, Galgaduud, Gedo iyo Hiiraan ee Somalia, ayay tiri. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

279210cookie-checkQM oo Sheegtay in Dagaalada ka socda Somalia ay ku barakaceen…