Dayaca & Dhibaatada ay Roobabka ku Reebeen Caasimada & Maangaabnimada Maamulka Gobolka…

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Maangaabnimada Horgalada Kooxda Demu jadiid u qaabilsan Maamulka Gobolka Benaadir kadib markii uu Abaalmarin lacageed uu guddoonsiiyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda, xilli wadooyinka Muqdisho u xirmeen Biyo wasakh ah oo fadhiya, Qashin iyo Dhooqo…

Maamulka Mr.Borsani ee Gobolka Benaadir oo ka fal celinaya eedeymaya cabashada Shacbiga, Waxgaradka iyo Siyaasyiinta ee ku saabsan waxqabad la’aanta ayaa qabsaday xaflad yaab leh oo lagu sheegay in lagu abaalmarinayo xubno ka tirsan Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaasi oo muujiyay howl-karnimo iyo kasoo dhalaalid shaqooyinkii ay u hayeen Maamulka iyo Shacabka.

Dad badan ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday maamulka Gobolka Benadır, halka qaar kale ay sheegeen inay jeesjees ku tahay Shacbiga ku nool magaalada Muqdisho, Kooxda Demu jadiid ayaa ku fashilantay wax ka qabashada Nadaafad xumo iyo Wasakhda daadaan Wadooyinka Magaalada, iyadoo Canshuuraha laga Qaado aam loogu adeegin balse lagu takri falo.

290170cookie-checkDayaca & Dhibaatada ay Roobabka ku Reebeen Caasimada & Maangaabnimada Maamulka Gobolka…