Qoraal Ay Soo Saareen Urur Haweenka U Dooda

Somalia news

Qoraal War-saxaafadeed ah oo ay soo saareen Ururka Gabdhaha Soomaaliyeed ee LeadNow! (Hoggami Hadda), oo ku saabsana burburkii ku yimid wada-hadallada Afisyoone ee Muqdisho, waxeyna welwal xoog leh ka muujiyeen xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan khilaafka hareeyey arrimaha doorashada iyo wadahadalladii u socday madaxda oo hadda joogsaday….

“LeadNow! wuxuu aad uga murugeysan tahay in Dowladda Federaalku ay ku dhawaaqdo inuu burburay shirkii hordhaca ahaa ee u socday Madaxda Dowladda Federalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DF ee ka socday xarunta Afisyooni, iyadoo dhanka kale Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in aysan ogayn shir burburay oo ay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay , “LeadNow waxay nasiib darro u arkaan in uusan jirin ilaa hadda heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu gaareen, iyadoo uu dhamaaday muddadii xil haynta Madaxda Dowladda Federalka.

LeadNow ayaa sheegay inaysan aqbali karin wax kasta oo keeni kara in dalkaan lagu celiyo mugdi iyo burbur muddo soo daashaday, hindise iyo xeelad kasta oo lagu doonayo in dowladda hadda joogta ku samaysato muddo kordhin, doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhamayn, doorashooyin is barbar yaac ah.

Waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada taageersan iney uu dib ugu soo laabtaan shirkii hordhaca ahaa ee u socday dhinacyada iska soo horjeeda si halkaas looga sii wado wadahadallada ku aadan sidii loo gaari lahaa doorasho loo dhanyahay. Madaxweynuhu waa masuulka ugu sareeya Qaranka, waaxaana Xil ka saaran in dalka doorasho ka dhacdo uuna ka fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada dalka iyo dadka.”

109310cookie-checkQoraal Ay Soo Saareen Urur Haweenka U Dooda