Qoraal uu soo Saaray Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo lagu Hakiyo Heshiis & Sababta…

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa ku amray Wasiirka Batroolka iyo Macdanta in heshiisyada (PSA) ee dheef wadaaga oo la-la galay Shirkada Liberty Petroleum, in loo gudbiyo Guddiga Iskudhafka Wasaaradeed ee Bixinta Qandaraasyada (IMCC), lana hakiyo ilaa inta ay waajibaadkooda shaqo gudiyadaas ka gudanayaan…

Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa amray in aysan dhaqangal noqon karin Heshiisyada Dheef-wadaagga ah ee 8-dii bishan March Wasiirku la saxiixday ee Gudoomiyaha Shirkada Mareykanka laga leeyahay, hadii aysan soo marin Guddiga (IMCC) ee bixinta Qandaraasyada Dowladda la gasho Dowladaha iyo Shirkadaha Shisheeye.

Sidaas oo kale isla qodobkii ay 2021-kii Somalia shirkadan heshiisyada ugu diiday ayaa markale taagan oo ah in Heshiis dheefwadaag ah lagali karin, ilaa uu dhameystiro nidaamka deyn cafinta Somalia, maadaama ay Dawladdu wali kujirto deyn dhan 680-Millions US$ ah.

314480cookie-checkQoraal uu soo Saaray Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo lagu Hakiyo Heshiis & Sababta…