Maxaa keenay inuu Qorqor Horistaago Tartanka Xildhibaanimo Ee Gen.Bashiir Goobe

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Kursiga Hop#018 oo uu damac ugu jiray Agaasimihii hore ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa loo asteeyay qoonde Dumar, waxaana la saadaalinayaa iney ku soo bixi doonto qof uu isagu soo xushay…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Qorqor oo degan guriga Bashiir Goobe ee Gaalkacyo uu talaabadaan u qaaday inuu ugu daneeyo Eedeysane Fahad Yaasin, si uusan Bashiir Goobe isugu sharaxin xill Guddoomiye kuxigeenka 1aad oo uu Fahad aad uga cabsi qabo Bashiir Goobe inuu isu sharaxo haddii uu Xildhibaan noqdo.

Hase ahaatee loolanka kursiga Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ayaa ah mid xoogan oo ay ku loolami doonaan dhinacyo kala duwan, waxaana ay tijaabada koowaad ee Kooxda Farmaajo ku doonanyaan iney ku hirgeliyaan qorshahooda ku aadan isku dayga dib ugu soo laabashada Xukunka.

Iyadoo la xusuusto isku daygan oo kale inuu guuldareystay sanadkii 2017 markii Faarax C/qaadir oo saaxib la ahaa Xasan Sheekh looga adkaaday doorashadii Guddoomiye Kuxigeenka koowaad oo sidaas washamsi loogu qaaday, waana suura gal inay Fahad Yaasiin sidaas oo kale ku dhacdo oo loo midoobo.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay kuraastii u dambeysay ee deegaan doorashadooda tahay Gaalkacyo, waxaana hal mar la isla shaaciyay liiska Guddiga soo xulista Ergada saddexda kursi iyo jadwalka doorashada.

174770cookie-checkMaxaa keenay inuu Qorqor Horistaago Tartanka Xildhibaanimo Ee Gen.Bashiir Goobe