Qorshaha Dagaal Ee Isabaheysatada Mudug/Galguduud

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qorshe dagaal oo ay wada diyaariyeen Kooxda Villa Somalia, Horjooge Cabdi Qeybdid iyo Maamulka Qorqor, waxaana la sheegay in Qorshahaan dagaal uu abaabulkiisu dhamaad yahay, ayaa lagu wadaa in lagu weeraro Magaalada Guricel…

Xogtaan Ayaa Diinah.com news u xaqiijisay Isbageysigaan ay ka kooban yihiin Siyaasiyiinta iyo Saraakiil ka soo jeeda Beelaha Mareexaan, Sacad, Saleyman iyo Dir, waxaana la sheegay in Xeryo ku yaal degaanada Balambale, Dhaan-ka-roone, Indha qaris iyo Dhabad lagu Uruuriyay Maleeshiyaad ka soo jeeda Beelaha kor ku xusan Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in beel kasta ay keento Maleeshiyaad iyo Gaadid dagaal.

-Beesha Sacad 20 Gadiidka dagaalka oo 10 ka mid ahi ay yihiin Qorayaha Lidla diyaaradaha Ee 37-mm iyo 23-mm.

Beesha Saleyman waxey ku yabooheen Duulaankaan 15 Gaadiidka Dagaalka oo 5 ka mid ah kuwa ay ku rakiban yihiin Qoryaha 37-mm iyo 23-mm

Beesha Mareexaan Waxaa la sheegay in tiro Maleeshiyaad ah iyo 3-Gadiidka Dagaalka ay ku biiriyeen Gulufka.

Beesha Direed Ee (Xeraale), ayaa ku yaboohday 3-beebe iyo tiro Gaadiidka dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay ku amartay Wasaarada Gaashandhigga in 500 Ciidan ah loo diro Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Cadaado, halka dhowr duulimaad oo tiro Gaadiid dagaal iyo Saanad labadii maalmod ee ugu dambeysay laga dejiyay Magaalada Cadaado.

63690cookie-checkQorshaha Dagaal Ee Isabaheysatada Mudug/Galguduud