Maxaa Ka Dhab ah in Xildhibaano Ka tirsan Baarlamanka Puntland ay Diyaariyeen Mooshin..

Somalia news

Inkastoo go’aankii ay shalay soo saareen Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland ayaa gebi ahaanba hadda laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah, ayaa haddana waxaa soo shaac baxaaya Mooshin lagu kala doraayo Garsoorka Maxkamada oo ay diyaarinayaan tiro Xildhibaano ah…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in ka badan 40-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa fiidnimada xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah Garsoorka Maxkamadda Dastuuriga ah, iyadoo mooshinka loo gudbinayo Gudoonka si fadhi deg deg ah oo ay maanta u yeeshaan Xildhibaanada Baarlamanka.

Maamulka Deni ee muddo xileedkiisu gagaabsiga yahay ayaa sabtidii Maxkamadda u gudbisay qoraal ay kaga dalbanayso in ay go’aan ka soo saarto arrinta Xildhibaanada Baarlamanka, go’aankaan hoos ku xusan ay soo saareen Garsoorayaasha Maxkamada.

Dhanka kale, Mr.Deni ayaa lagu wadaa inuu magacaabo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada, iyadoo Gudoomiyaha Guddigaan uu laga soo magacaabi jiray Gobolka Beri haatan la sheegay in loo wareejinaayo Gobolada Mudug iyo Nugaal midkood, Iyadoo sidoi kale Xildhibaano badan ay ka soo horjeesteen in Mooshin lagu kala diro Maxkamada.

292510cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Xildhibaano Ka tirsan Baarlamanka Puntland ay Diyaariyeen Mooshin..