USA Oo Dhaqaale Dul dhigtay Madaxa Horjooge Ka tirsan Kooxda Shababka

Somalia news

Maamulka Washington ayaa ku dhawaaqday aduun dhan $ 5-milyan inay siinayso ciddii keenta xog la xiriirta halka uu ku sugan yahay Horjooge Jehad Serwan Mostafa oo loo yaqaan Axmed Gurey oo la rumeysan yahay in uu xubin sare ka yahay kooxda Shabaabka ee ka dagaalanta Somalia…

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Barnaamijka Caddaaladda Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Mostafa uu yahay Muwaadin horey u degenaa gobolka California, wuxuuna u hogaanka Al-Qaacida u qaabsanaa weerarada ka dhaca Bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya iyo Somalia.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Mostafa oo 41-jir ah oo ku jira Liiska Argagaxisada loogu doonista badan yahay ee FBI-da, uu ka qalin-jabiyay kulliyad ku taalla magaalada San Diego ee gobolka California, ka hor inta uusan u wareegin Somalia sannadkii 2005-tii.

176630cookie-checkUSA Oo Dhaqaale Dul dhigtay Madaxa Horjooge Ka tirsan Kooxda Shababka