Cabasho ka Dhan ah Mas’uuliyiinta Gurmadka u Xilsaaran Qaadista Dhaawacyada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamul xumo, Eex & Nin jecleysi ay hareeyeen dadaalada dibeda loogu qaadaayo Dhaawacyada qaraxyadii Zoobe-2 ee sabtidii tagtay, iyadoo lagu eedeeyay Guddiyada u xilsaaran xulista iyo kala saarista Bukaanada…

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaaya in qaab “Madax ka taabasho” loo soo xulay, dadkii loo qorsheeyay in loo qaato Dalka Turkiga, si Isbitaalada loogu soo daweeyo, halka qaar kale (Dhaawacyada) lagu saleeyay iska bixinta kharaahaadka daruuriga ah, iyadoo daruuf adag looga tagay Dad Shacab ah oo dhaawacyadoodu aad u liitaan.

Eedeyntaan oo ku biyo shubaneysa Mas’uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka, kuwaasoo lagu eedeeyay “qaab Cadaalad darro” ah u maareeyeen dadaalafa gurmadka dhaawacyada, iyadoo Hogaanka Wasaarada ay muhiimada 1-aad ay siinayaan bukaanada ay ehelkoodu ka mid yihiin Dowlada Federaalka tusaale Bukaan uu Wasiir ama Xildhibaan uu la joogo, waxaana ugu daran Wiil magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cali Jaamac oo ah Agoon iyo rajo qabana dhaawacyo culus isla markaasna la dhigay Sudanes Hospital.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Saraakiisha Dowladda Federaalka ay shuruudo ku xireen Bukaanada iney iska boxinayaan qarashaadka inta ay ku sugan yihiin Dalalka la geynaayo, iyadoo xujadaani ay saameyn badan ku yeelatay Bukaanada ka soo jeeda Dadka dan yarta ah una badan tiro ahaan dhaawacyada kuwaasoo u nugul dhibaatooyinka ka dhasha qaraxyada iyo weerarada kooxda argagixisada.

223020cookie-checkCabasho ka Dhan ah Mas’uuliyiinta Gurmadka u Xilsaaran Qaadista Dhaawacyada