Rooble Oo Culeys Lagu Saaray Inuu Isku Shaandheeyo Hey’addaha Amaanka & Ciidamada

Somalia news

Waxaa sii kordhaaya baaqyada iyo culeysyada lagu doonaayo in isbedel lagu sameeyo Mas’uuliyiinta Hogaanka u haya Hey’addaha Amaanka iyo Ciidamada kuwaasoo qeyb ka noqday iney difaacaan Kaligii-taliyaha muddo Kordhinta ka meel marsaday Baarlamaanka wakhtiga ka dhamaaday oo aan gaari karin Go’aano Masiiri ah xiligaan kala guurka ah….

Qorshaha ololaha isku shaandhaynta Hogaamada Hey’addaha Amniga ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelan doonto doonto Wasiirka Amniga, Taliyayaasha Xooga Dalka Kan Boliiska, Taliyaha Ciidamada Lugta Agaasimaha NISA Gudoomiyaha Gobolka Iyo Kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale.

Saraakiishaan ayaa wajahaya eedeymo culus sida gabood falo dhan ka ah Xuquuqda aadanaha, ku tumashada Shuruucda iyo Dastuurka dalka, iney qaarkood xiriir wada shaqeyn la leeyihiin Kooxda argagixisada Shabaabka iyo iney fuliyeen weeraro lagu qaaday Madaxweynayaal hore, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo hor jeeda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, kuwaasoo ka dhashay dhimasho, dhaawacyo iyo Xarig sharci darro ah, loona baahan yahay in lagu maxkamadeeyo.

116350cookie-checkRooble Oo Culeys Lagu Saaray Inuu Isku Shaandheeyo Hey’addaha Amaanka & Ciidamada