Rooble Oo Hakiyay Heshiis uu Farmaajo Gadal ka riixayay

Somalia news

Waxaa baaqday ku dhawaaqista shaacinta heshiis muddo laga soo shaqeynaayay kuna saabsan nidaamka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo la qorsheeyay in la hoos geeyo Taliska Ciidamada Xoogga Falka Soomaaliyeed kafib 31-ka Bishaan…

Wararka ayaa sheegay in Heshiiskaan ay daaha gadaashiisa ka riixayey Saraakiisha Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ay dagaal u faleen in dib loo dhigo Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kaashanaaya Wasiirka Gaadhandhigga sida aan xogta ku helnay.

Kulankaan taxana ah oo muddo soo socday oo yeesheen saraakiisha Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika oo looga shaacin lahaa shalay heshiis dhigaya in AMISOM ay ka hoos shaqeyso taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, balse waxaa baaqashadiisa sabab u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Sababta labada Xafiis ee Farmaajo iyo Rooble ugu dagaalameen in heshiiskaasi ayaa salka ku hayso arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey, iyadoo Haddii heshiiska lagu dhowaaqi lahaa, waxaa AMISOM oo la filayo inay qaadato magaca ATMIS qasab ku noqonaya inaysan qaadin tallaabo aysan ogolaansho uga haysan taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama ay xiliga kala guurka ka hoos shaqeynayaan SNA, waana taas sababta kooxda Farmaajo u dooneyso in lagu dhowaaqo heshiiska.

Maamulka Jubaland ayaa maalmihii dhowaa wadday diyaar-garowga doorashada 16-ka kursi ee Gedo ayada oo soo saartay liiska kuraasta, waxaana la filayaa inay shaaciso in lagu qabanayo Ceelwaaq.

176230cookie-checkRooble Oo Hakiyay Heshiis uu Farmaajo Gadal ka riixayay