Share the post "Rooble Oo Ku Baaqay In Dhaqso Loo Joojiyo Dagaalada Ka Dhacaya Galmduug"
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble wuxuu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud Ee Dowlad Goboleedka Galmudug..
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku geeriyooday iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay, isagoo ku baaqay in Nabada laga shaqeeyo,
Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug, sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Amaanka iyo Nabada Degaanada Galmudug.
1432700cookie-checkRooble Oo Ku Baaqay In Dhaqso Loo Joojiyo Dagaalada Ka Dhacaya Galmduug