Dayac Amni, Is-dhigasho & Hagrashada Hogaamada Siyaasada & Amniga Ee Dalka ayaa Horseeda Dhibaatada

Somalia news

Raboow Ummadaada u Naxariiso, Wararka ka imaanaya Isbitaalada Magaalada Mogadishu ma sahlana, waxaa loo baahan yahay gurmad deg deg ah Dadka qaba Dhaawacyada culus iyo guddiyo kala duwan ooo la talaaca xaalada Caasimada ka soo korortay, Waxaase marqaati ma doonto ah iney xiligaan ka jirto Caasimada dayac Amni, il-duuf iyo is-dhigasho Hogaamada Siyaasada iyo Amniga…

Qaraxyada shalay ka dhacay Agagaaraka Isgoeyska Zoobe, ayaa tusaale u ah ilaa heerka aysan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Shacbigaba aysan wax ka baranin waaya aragnimada laga dhaxlay Qaraxyadii hore ee kooxda argagixisada Shababka, midi waa wada shaqeyn la’aanta Hey’adaha Amaanka iyo Shacbiga tan kalena waa caga jiidka Dowladda oo ku dhawaaqday inuu dalku dagaal galay, hase yeeshee aan si wanaagsan loogu tabaabusheysan.

Sharciga Argagixisada:-

Marka laga yimaado gaabisyada kale ee Hogaanka Dowlada oo ku aadan qorshe cad oo lagu adkeynaayo Amniga, waxey Dowlada si weyn uga gaabisay in ilaa hadda aan la meel marin Sharciga Argagixisada, oo khubaradu rumeysan yihiin inuu wax weyn ka tari lahaa soo af-jarista ilaha ay ka soo burqanayaan dhibaatada kooxaha argagixisada gaar ahaan Dadka dhaqaalaha ku kaalmeeya.

Kaalinta Shacbiga:-

Ayaan darrada jirta ayaa ah in Shacbiga ay ku soo xoomaan goobaha qaraxyadu ka dhacaan, sida ka muuqata muuqaalada ugu dambeeyay ee qaraxyadii Hoteelada Xayaat, tii Kismaayo iyo shalay, iyadoo Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacaba gaaray ay ku xoomeen goobta qaraxa ka dhacay, taasoo in badan laga baaqsan karay hadii aagaga la xiro, ku darsoo ma jirto wada shaqeyn u dhaxeysa Shabciga iyo Hey’adaha amaanka.

Si kastaba, waxaa shaki ku jirin in wax ka qabashada Amniga ay tahay la-kabyo is dul saaran, ayna ka wada shaqeeyaan Shacbiga iyo Dowlada, wada shaqeyn la’aantasi ayaa xiligaan meesha ka maqan waana xujo ay Maamuladii hore ku kufeen kuwa haatan joogana ay qaadayaan wadadaasi, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in Hogaanka Dowlada oo xilalka Amniga ku aamina Shaqsiyaad aan aqoon durugsan u laheyn iyo kuwo maamulkii hore la soo shaqeeyay oo ku fashilmay weli Hogaanka u haya Hey’adaha qaarkood (Jeneraal ha sheegin).

Saraakiisha Dowladda waxay u muuqdaan inay qarinayaan baaxada wixii dhib ee dhacay ama ay iska indha tireyso khasaaraha balaaran, qiyaastii Dhimashadu waxay ka badan tahay 150-Qof, dhaawacuna boqolaal.

Ma jirto gurmad dowladeed iyo mid Gobol ee ilaa hadda la arkay, marka xaaladahan musiibo oo kale ee dhacana waxaa la sameyn jiray Guddi Qaran oo isku duwideeda iyo gurmadkeeda u istaago.

221850cookie-checkDayac Amni, Is-dhigasho & Hagrashada Hogaamada Siyaasada & Amniga Ee Dalka ayaa Horseeda Dhibaatada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com