Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Fahad & Guudlaawe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan qarsoodi ah oo qaatay 4-Saacadood Oo ay yeesheen Eedeysane Fahad Yaasiin & Madaxweyne Hir-Shabelle Cali Guudlaawe, wuxuuna Kulankaasi ka dhacay Decale Airport Hotel, sida loo xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news…

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Eedeysane Fahad iyo Guudlaawe ahaa mid qarsoodi ah, oo albaabada u xirnaa, oo xitaa loo diiday inay qolka galaan ilaalada gaarka iyo shaqsiyaad kale oo labada dhinac la socday, waxaana looga dooday Doorashada iyo Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir, oo degaan Doorashadiisu tahay Magaalada B/weyne.

Fahad ayaa doonaaya In Kursigaan loo soo wareejiyo Magaalada Jowhar, sababo la xiriira Amaankiisa iyo in loo boobo Oo Cali Guudlaawe uu balanqaad horey ugu sameeyay in Kursiga uu u xiri doono si uu uga badbaado Dambiyada uu galay 5-tii sano ee u dambeysa una helo xasaanad.

Fahad ayaa tan iyo markii uu fashilmay isku-daygii afgembiga 27-kii December, wuxuu deganaa Decale Airport Hotel, maadaama kacdoon ku furmay, isagoo ka baqayay in Ciidanka Badbaado qaran galaan Madaxtooyadda kadibna isaga iyo Farmaajo lagu dilo.

162670cookie-checkMaxaa Ka Soo Baxay Kulankii Fahad & Guudlaawe