Wakiilada Suufiyada Oo Muqdisho Ku..

Uncategorized

Wakiilo ka socda Hogaanka Suufiyada ayaa kulamo la leh Ra’iisal Wasaaraha, Xasan Cali Khayre  Villa Somalia, iyadoo Kulankaasi diirada lagu saaray sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka ka taagan Magaalada Dhuusa mareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay Ahlu Sunna ku soo bandhigtay Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug, kaasoo hor-imanaya midkii ay soo dhistay Dowladda Federaalka, waxayna sii adkeysay xaaladdii cakirneyd ee horeyba uga jirtay Galmudug.

Kulankan ayaa waxay labada dhinac uga wada hadlayan tallaabada ay Ahlu Sunna kaga hortimid, isla-markaana ku qaadacday doorashada ay garwadeenka ka tahay Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Cabdisamad Macalin Maxamuud kala xaalaya, waxa lagu baajin karo diidmada ka soo yeertay Ahlu Sunna iyo maamulka ay sheegtay inay dadka reer Galmudug ugu dhiseyso Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka oo weli ka socdo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa mar khadka teleefanka la soo geliyay Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Xafiiska Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo si weyn ugu lug leh Arrimaha Doorashada Galmudug ayaa iminka u muuqdo mid dabacsanaan u muujinaya Ahlu Sunada Galmudug, oo muhiim u ah maamul u samaynta Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu uu dareen ka muujiyay xiriirka soo hagaagaya ee Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), taasoo dadka tusin karta in maamul aanay raali ka ahayn dadka reer Galmudug, ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Labada dhinac ayuu xiriirkoodu ka soo reynayay, tan iyo markii Ahlu Sunna ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inaanay qayb ka ahayn dhismaha Galmudug-ta ay dhiseyso Dowladda Federaalka.

Kulanka xalay ka socdo Villa Somalia, ayaa ku soo aadaya, saacado kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu si deg deg ah uga soo safray Magaalada Dhuusamareeb, kuna soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa la fillaya in dib u dhac uu ku yimaado, waqtigii uu Guddiga Doorashada Madaxtooyada Galmudug, ee garabka dowladda uu u muddeeyay inay ku qabsoomeyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenka, kuna beegan maalinta Khamiista Maamulka .

13620cookie-checkWakiilada Suufiyada Oo Muqdisho Ku..