Sacuudiga Oo Bayaan Ka Soo Saaray Xajka Sanadkaan

Travel World

Dowladda Sacuudiga ayaa go’aan ka qaadatay Xajka sanadkan iyo sida loogu talogalay, iyadoo lagu jiro xilligan xaaladda ka dhalatay cudurka CoronaVirus ee dunida kala xiray.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa Bayaan ay soo saartay ku caddeysan in xajka sanadkan ay ka qeyb qaadan doonaan Muslimiin kasoo kala jeeda dalalka Islaamka oo ah kuwa ku nool dalka Sacuudiga gudihiisa oo kaliya, iyadoo lagu dhaqmayo tallaabooyinka looga hortegayo faafida cudurka Coronavirus, isla markaana la dhowrayo waajibka diiniga ah ee Xajka.

Xajka sanadkan ayaa lagu koobay dad aad u yar oo ku nool Sacuudiga, kuwaasoo doonaya inay xajiyaan, waxaana dal kasta laga qaadan doonaa tiro kooban si xajkiina loo muujiyo, loogana hortago cudurka Coronavirus.

Dowladda Sacuudiga ayaa Bishii Maarso joojisay fiisooyinkii cumrada, waxaana la xiray xaramka iyo masaajidda dalkaasi cudurka Covid-19 awgiis, iyadoo wasiirka Xajka Sacuudiga Mohamed Salah uu dadka muslimka ah ugu baaqay inaysan wax tallaabo ah u qaadin dhinaca Xajka oo ay Xaaladda la socdaan.

Sanad kasta waxaa waajibaadka Xajka u tegi jiray Sacuudiga dad gaaraya 2.5 Milyan oo qof oo ka kala socda in ka badan 150 dal oo dunida ah.

43290cookie-checkSacuudiga Oo Bayaan Ka Soo Saaray Xajka Sanadkaan