Safaarada Somalia ee Serbia oo soo dhaweysay Arday Deeq Waxbarasho ka helay Dalkaasi..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Belgrade ee Dalka Serbia ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Safaarada ay soo dhaweysay Arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay ugu deeqday Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Deeqdan waxbarasho ee “WORLD IN SERBIA” ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal iyo kaalinta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Somalia ee Magaaladda Belgrade ay ka cayaareyso xiriir u bilowday labada dal, Dowladda Federaalka ayaa uga mahad celisay Dowladda Serbia fursadda ay siisay dhalinyaradda mustaqbalka Soomaaliyeed.

Safaaradda Somalia ee Belgrade ayaa sanadihii ugu dambeeyay u taagnayd xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa u Mahadceliyay Dowladda Serbia.

246950cookie-checkSafaarada Somalia ee Serbia oo soo dhaweysay Arday Deeq Waxbarasho ka helay Dalkaasi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com