Maxaa Ka Jira Iney Dalka Soo Gaareen Saraakiil Sirdoon Oo Iran U Dhashay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Saraakiil Sirdoon oo Iran u dhashay ayaa 16-kii Bishaan si qarsoodi ah uga soo degay Magaalada Mogadishu, kuwaasoo la sheegay iney Baasabooro Syria ah diray, waxaana a sheegay in loo hakiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiishaan ay u dhasheen Dalka Iran lana xaqiijiyay iney ka tirsan yihiin Quds Intelligence Military wings, waxeyna kulamo qarsoodi ah Adeege Fahad Yasin kula qaateen Qunsuliyada Iran ee Istanbul, Saraakiishaan oo 7-xubnood ka kooban ayaa watay shandado waa weyn oo la diiday in la baaro.

Waxaana hor istaagay Baarista Madaxa NISA ee garoonka diyaaradaha Khadar Sanka iyo Xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo ah Kaaliyaha Adeege Fahad, kuwaasoo u galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia halkaasoo la sheegay in la dejiyay.

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxa NISA ee Garoonka Diyaaradaha Khadar Sanka uu diiday in la baaro Boorsooyinkii ay wateen Saraakiishaan ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran.

141550cookie-checkMaxaa Ka Jira Iney Dalka Soo Gaareen Saraakiil Sirdoon Oo Iran U Dhashay