Qoraalo Sir ah Oo Daaha ka Rogay Sida Sirdoonka USA u Basaaso Mr.Guterres

U.S. World

Todobaadyadii ugu dambeysay waxaa soo shaac baxaayay Fadeexado hareeyay Wasaarada Difaaca iyo Hey’adaha Sirdoonka, kuwaasoo bar madow ku reebay laamahaan iyo xiriirka wada shaqeyn ee la leeyihiin tiro Dalal ah oo saaxiibo la ah USA, kuwa Casiwga uu u arko iyo Xoghayaha guud ee UN-ka Mr.Guterres…

Feylashaan ayaa muujinaaya in Maamulka Washington ay muddo Basaasayeen Dalalka ay siyaasad ahaan aad isugu dhow yihiin sida South Korea, Israel, Tiro Ciidamada khaaska ee Dalal dhiwr sh oo qeyb ka dagaalada Ukraine, Russia iyo iney Basaasto Xoghayaha guud ee Qaranada Mudoobay, kaaasoo uga shakisan tahay inuu u dhego nugul yahay Dalka Russia.

Faderxadaan ayaa ceeb iyo waji gabax ku reebtay sid loo aamini karo xiriirka wada shaqeyn ee Dalalka la leeyihiin Dowkada Mareykanka, Dukumentiyadaan qeybta la xiriirta Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu xusay in muddo lagu raad joogay kana dhageysanaayay Talephonadiisa gaarka ah iyo mowqifkiisa tiro ka mid ah Hogaamiyayaasha Qaarada Africa.

https://www.axios.com/2023/04/10/intelligence-leak-reports-doj-opens-investigation

iyadoo Daba-galkaan diirada lagu saaray Heahiiska Badda Madow oo ay garwadeen ka ahaayeen QM, Russia iyo Turkiga kuna saabsanaa Dhoofinta noocyada Dalagyada Beeraha ee Ukraine ee u dhoofiso Aduunka kadib markii uu hoos u dhac ku yimid Cunni yari Caalami ah, Saraakiisha QM ayaa diiday iney toos uga falceliyaan Dukumentiyadaan.

251140cookie-checkQoraalo Sir ah Oo Daaha ka Rogay Sida Sirdoonka USA u Basaaso Mr.Guterres
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com