Sarkaal Ka Goosatay Ciidamada Dowladda Oo Ku Biiray Kuwa Puntland

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Saraakiil horay uga tirsanaa Ciidamada Dowladda gaar ahaan Ururada Haramcad iyo Goror ayaa lagu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kadib markii ay sheegeen iney Faquuq la kulmeen….

Xogtaan oo Warsidaha Diinah.com news ka soo gaartay Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay iney Saraakiishaan soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Guddoomiyaha Gobolka.

Saraakiisha oo la hadlay Madaxda ayaa sheegay inay wax ku soo barteen Dalka Turkiga horayna Puntland si iskooda uga tageen tiro shana dhamaayeen 140 soo laaba- shadoodiina loola dhaqmay si aan wanaagsanayn balse qaybo ka mid ahaa ay ka soo bexeen xeryihii ay joogeen.

Madaxda dawladda Puntland ayaa Saraakiisha u sheegay in ay ku soo dhowaynayaan isla markaasna loo balanqaaday iney ka mid noqon doonaan Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland.

110600cookie-checkSarkaal Ka Goosatay Ciidamada Dowladda Oo Ku Biiray Kuwa Puntland