M Dhabaa in Hakad lagu Sameeyay Duulimaadyadii Mogadishu-Nairobi

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Gebi ahaan la hakiyay dhamaan Duulimaadyadii Hey’adaha UN-ka ee u kala gooshi jiray Magaalooyinka Mogadishu-Nairobi, sababo la xiriira Xiritaanka Xafiiska Qeybta Socdaalka ee Movicon ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde…

Wararka ayaa sheegay in Dhammaan Rakaabkii soo raaci lahaa Diyaaradaha oo ka koobnaa qaybaha kala duwan ee shaqaalaha UN-ka, ATMIS iyo kuw Samafalka ayaa lagu wargeliyay in aysan diyaarada maanta bixin/iman karin.

Xiisada lagu eryay Madeira ayaa saameyn ku yeelatay dhamaan duulimaadyadii Hey’adaha kor ku xusan, ilaa haddan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada khilaafka ka dhaxeeyo iyo tanaasulaad ay muujiyeen midna.

181310cookie-checkM Dhabaa in Hakad lagu Sameeyay Duulimaadyadii Mogadishu-Nairobi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com