Shirkado oo shatiga duulimaadyada Laga laabatay

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa Shatigii duulimaadka ay ku soo geli lahaayeen gudaha dalka kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya…..

Waxaana shirkadahaan mid ka mid ah labadaan oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Somalia iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawlada, ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen Diinah.com.

Saraakiishaan ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Dalka ay kusoo gashay inay wado gargaar daawo ah.

Sidoo kale, waxay liisankii duulimaadyada kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed.

Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo, Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya.

39050cookie-checkShirkado oo shatiga duulimaadyada Laga laabatay