Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Saakay Aroortii Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya Qarax xoogan oo khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo Saameyn balaaraan ku yeeshay Dadka iyo dhismayaasha Degaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay Aroortii hore ee Saakay…

Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ja dhashay, waxaase la sheegay inuu ka mid ahaa ahaa Dadkii ku geeeiyooday Madaxii Baarista Dembiyada Boliiska ee B/Weyne, waxaa la sheegay inuu Qof-naftii halige ah uu isku qarxiyay Degaanka Halgan, qaraxayada kooxda ayaa kordhay kadib markii Dadka degaanka oo kaashanaaya Ciidamada Dowladda ay ka saareen Degaanada hoos yimaada inta Gobolada Hiiraan iyo Shabeeleda Dhexe.

Sidoo kale Xubno ka tirsan Kooxda argagixisada ayaa weerar madaafiic ah xalay ku qaatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadooTiro Hoobiyayaal ayaa maleeshiyaadka ku garaaceen xaafado kamid ah degaanka Maxaas, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray qof shacab ah oo la sheegay iney Dumar tahay.

237290cookie-checkQarax Xoogan Oo ka Dhacay Saakay Aroortii Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com