Shababka Oo Maleeshiyaad Ku Uruurinaaya Inta U Dhaxeysa Baydhabo & Buurhakaba

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa in dhaqdhaqaaq iyo abaabul uu wado Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka uu ku sugan yahay Qeybo ka tirsan Gobolka Bay, waxaana ku wehliya tiro Maleeshiyaad ah oo aad u hubeysan…

Sida Xogtu tilmaamtay, Horjoogahaan ayaa wuxuu soo gaaray tuulada Gasarta oo ka tirsan degmada Burhakaba, isagoo ay ku wehliyaan 80-Dabley oo aad u hubeeysan, kana tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka, Horjogahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Cismaan Dheere wuxuuna qabilsan howlgallada.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Horjooge Cismaan Dheere oo asal ahaan kasoo jeedo gobolka Shabellaha Hoose, kana mid ah Horjoogayaashii hoggaminayay weerarada lagu qaaday xerada ay ciidamada xogga ku leyihiin degaanka Ceel-Salini ee gobolka Shabellaha Hoose tariikhdu markii ay ahayd 20/ka biisha February ee sanaadkii hore ee 2020, taaso sababtay in la dilo in ka badan 30 askari.

Hadaba, su’aasha waxay tahay, muxuu yahay ujeedada Dhaqdhaqaaqa Maleeshiyaadka Shababka Ee ku sugan Tuulada Gasarta, waxaana laga yabaa iney weerraro qorsheysan ku qaadaan Xerada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Konfur Galbeed ee ku sugan degaanka Daynuunay oo qiyaastii u jirta 30-KM, miyeey ku baraarugsan yihiin (dhagarta) Ciidamada Dowladda!!??.

122740cookie-checkShababka Oo Maleeshiyaad Ku Uruurinaaya Inta U Dhaxeysa Baydhabo & Buurhakaba