Muqdisho Lama Wada Laha Ee Waa La Wada Degan Yahay

Somalia news

Aqoonyahaanka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa wada abaabul ka dhan ah go’aanka guddiga isku dhafka ah ee labada aqal, waxaana socda wada tashiyo xiriir ah, Sidoo kale kulamada waxaa qeyb ka ah saraakiil ciidan taasoo ka dhigan in dadkii u dhashay gobalka Banaadir u midoobay Maqaamka Muqdisho…

“Muqdisho lama wadalahan ee waa lawada dagan yahay”, Ayuu yiri Aqoonyahaan degaanka ah, wuxuuna sheegay iney ka siman yihiin aragtida ah in aysan cid aan iyagu aheyn go’aan ka gaari karin matalaadda gobalka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Dooda Maqaamka Magaalada ayaa Baraha bulshada, warbaahinta iyo goobaha kulanka dadweynaha ayaa waxaad ku arkeysaa dadka Banaadir daga oo go’aan isku mid ah ka qaateen Matalaadda gobalka Banaadir iyo wararka sheegaya in 4. 5 lagu qeybsan doono kuraasta ay helaan

Shacbiga oo ka daalay Balanqaadyo been ah Oo muddo 10- sano lagu maaweelinaayay in Go’aano ay gaari doonaan Xildhibaanada ayaa quus iyo rajo beel ku riday Go’aanka Guddiga, (Yareesey Iyo Yariisow) waxeyna xiligaan u muuqdaan kuwa u diyaarsan banaanbaxyo ka dhan ah Maamulka Farmaajo iyo kacdoon dadweyne, si loo muujiyo rabitaankooda ku aadan matalaadda gobalka Banaadir.

39840cookie-checkMuqdisho Lama Wada Laha Ee Waa La Wada Degan Yahay