Khilaaf Xoogan Oo u Dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle & Wasiirkiisa Maaliyada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo xal loo waayay una dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle iyo Wasiirkiisa Maaliyada, xiisadaan ayaa salka ku heysa yagleelida hanaanka iyo nidaamka maaliyadeed ee uu maamulka yeelanaayo, iyadoo uusan Maamulku laheyn Nidaam hagaagsan oo raad raac leh…

Wararka ayaa sheegaya in Khilaafkaan uu salka ku hayo kadib markii Wasiirkiisa Maaliyada Cali Cabdulle Nuur uu diyaariyay Hab maamul cusub oo raad raac leh isla xisaabtana ku dhisan, talabadaan ayaa waxaa ganafka ku dhuftay Madaxweynaha (Guudlaawe) iyo kuxigeenkiisa (Dabageed), sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah.

Maamulka Hirshabelle ayaa xiligaan laheyn Nidaam maaliyayeed oo raad raac leh, isla markaasna ku guuldareysteen in la saxo khaladaadka jira, waxaana la sheegay iney hortaagan yihiin Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa kuwaasoo lagu eedeeyay iney dhaqaalaha soo xarooda ay si maalinle ah u isticmaala, iyagoo aan sameynin nidaam xisaab celin ah.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha uu ku tagri falo canshuuraha ka soo xarooda Gobolka Shabeelada dhexe iyo Deeqaha Hey’adaha gargaarka halka Madaxweyne kuxigeenka uu si toos ah u maamusho Canshuurta ka soo xaroota Gobolka Hiiraan, iyadoo baaqyo dhowr ah oo Madaxdaan loo soo jeediyay ayeey diideen kuwaasoo kala ah:-

-In la Mideeyo Canshuurta Maamulka Hirshabelle

-In lacagaha lagu shubo Hal Account oo Labada Gobol ka dhaxeeyo

-In lagu bixiyo sabab la og yahay xisaab celin lagu sameeyo.

224610cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo u Dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle & Wasiirkiisa Maaliyada