Muran & Mugdi Hareeyay Doorashada Hogaanka Xiriirka Kubada Cagta Somalia

Science Sports

Waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto Hotel Jasiira ee magaalada Mogadishu doorashada Gudoomiyaha iyo qeybaha kake ee Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in Xiriirka uu u kala jabay laba garab oo ku hardamaaya qabashada Hogaanka Xiriirka arrimo dhaqaale dartood…

Wararka ayaa sheegay in Wasaarada Ciyaaraha ay qoraal u dirtay FIFA, iyagoo culeys ku saartay in la joojiyo qabashada doorashada “maadama ay socdaan falal lid ku ah Dimuqaraadiyada iyo hufnaanta”, isla markaasna la helo jawi degenaansho ah oo lagu qaban karo dhinacyadana isla oggol yihiin.

Khubarada Arrimaha Sportigga dood ka keenay kaalinta ay Wasaaradda Ciyaaraha ku yeelan karto, iyadoo loogu baaqay iney ku ekaato dhanka fududeynta, iyadoo Hogaanka Sare ee Ururka FIFA ay ka digtay in cid seddexaad ay soo fara geliso doorashada Xiriirka Kubada Cagta.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Saraakiisha Wasaarada Ciyaaraha ay isku dayeyso in haddi ay ciqaab timaado ay ku dhacdo Xubnaha Xiriirka, ee aan lagu degdegin in xubnimada Somalia ee FIFA aan la laalin, talabadaan ayaa u muuqata ciqaab wadareed aan meesha oolin.

Dhiibashada Codka & Cidda Xaqa u leh

Waxaa lagu wadaa in Maanta ay Doorashada codkooda dhiibtaan Ergo ka koovan 46-xubnood oo 25 kamid ahi ay ka socdaan Naadiyada ka dhisan Caasimada, 15-xubnood (min 3 ah) oo ka socda Wakiilada Gobolada ee Ciyaaraha iyo 6-Xubnood oo matalaaya Ururada danaha gaarka ah gaar ahaan Garsoorayaasha Ciyaaraha.

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa in muddo ah ku suntanaa Musuqmaasuq iyo Xatooyo, iyadoo dhaqaalaha Xiriirka FIFA u ku maalgeliyo ciyaaraha kubada cagta ee Somalia ayaa la aaminsan yahay iney daaha gadaashiisa ka hagayaan Siyaasiyiin iyo kooxo damac ka galay dhaqaalahaasi, si kastaba waxey doorashadani u muuqataa mid caqabad ku ah Xubinimada Xiriirka Somaliyeed ee FIFA.

233780cookie-checkMuran & Mugdi Hareeyay Doorashada Hogaanka Xiriirka Kubada Cagta Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com