Yaa jabsaday Page-ka uu Ku Leeyahay Baraha Bulshada Madaxwayne ku xigeenka Puntland?..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal-burcadeed oo mar kale lagula wareegay maamulidda (Hagida) Page-ka rasmiga ah ee Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash”, iyadoo tuhunku uu dul hoganaayo koox burcadka Baraha Bilshada kana soo jeeda Beesha dhexe…

Wararka ayaa sheegaya in Page-kani oo inta badan lagu baahiyo wararka ku saabsan Madaxwayne ku xigeenka Puntland, oo ay kamid ah yihiin qoraalada, sawirada iyo muuqaalada, ayaa gacanta ugalay kooxo aan la aqoon, habeenn hore waxaa lagu daabacay Post Gaaban oo muujinaya in page-ka lala wareegay, maadaama postigaasi aanu ahayn wax looga bartay Madaxwayne Karaash iyo qolada ka shaqeysa xafiiskiisa.

Ma ahan markii 1aad oo la jabsaday Page-kaan, laakin horay waxaa u jabsaday qolo Chinese ah, kuwaas oo muddo gacanta ku hayay kuna soo bandhigayay muuqaalo iyo sawiro qaldan, Hadda waxay umuuqataa in Page-ka ay jabsadeen qolo Somali ah, maadaama halka Post ee lagu daabacay uu yahay mid Afsomali ah.

263850cookie-checkYaa jabsaday Page-ka uu Ku Leeyahay Baraha Bulshada Madaxwayne ku xigeenka Puntland?..