Caro & Diidmo Xoogan ayaa ka Dhalatay tiro Dugsiyo Islaami ah Oo la Xiray

World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe ay dejisay Dowlada Sweden kuna dooneyso iney ku xirto tiro badan Dugsiyo Islaami ah oo ay ku leeyihiin Bulshada Muslimiinta ku nool dalkaasi, talaabadaan ay soo shaac bazay xilli ay horey Dowladu u xirtay meherado Ganacsi…

Diidmadaan Muslimiinta ayaa timid kadib markii siyaasad xumo ka dhalatay beegsiga lagu hayo Bulshada Muslimiinta oo ay horey Dowlada u xirtay meherado ganacsi oo ay iska leeyihiin, Talaabadaan lagu joojinaayo Dugsiyada Diiniga ah ee Madaxa banaan ayaa kicisay qeylo dhaantaan Muslimiinta, Maamulada Dugsiyada iyo Cilmi baarayaasha.

Dhinacyadaan ayaa ku doodaya in go’aanka lagu xiraayo Dugsiyada Islaami ah uusan ku saleysneyn natiijo xumo dhanka Waxbarashada ah ama dhaliilo kale, balse waxey ku qotontaa siyaasad Islam naceyb ah oo Dalalka Scandinavian-ka sanadahii ugu dambeeyay ku soo badanaayay.

228670cookie-checkCaro & Diidmo Xoogan ayaa ka Dhalatay tiro Dugsiyo Islaami ah Oo la Xiray