Guddiga Doorashada Oo Oggolaaday Xisbiyo Cusub

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay oggolaadeen iney si KMG Ah u diiwaan geliyaan Xisbiga uu Madax ka yahay Sheekh Mukhtaar Roobow ( Abuu Mansuur) Muddo u xiran Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Wararka ayaa sheegaya in maalintii Arbacada aheyd la gudoonsiyay Wakiilo ka socda Sheekh Mukhtaar Roobow Warqadaha Aqoonsiga ee Diiwaan gelinta Xisbiga Cadaalada (Justice Party), iyadoo sidoo kale 5- Xisbi oo cusub loo oggolaaday iney ku biiraan Xisbiyada ka dhisan Somalia.

Waxaana ilaa xiligaan ay Oggolaadeen Guddiga Doorashooyinka ku dhowaad 100 Xisbi, inkastoo Doorashada Sanadkaan aysan xisbiyada ka qeyb geli doonin sababo la xiriira, iyadoo Dalka ay dhici doonto doorsho dadban qaab beeleed lagu soo xulaayo Heshiisna lagu yahay, kaasoo ay wada gaareen Maamulka Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada Dalka.

65290cookie-checkGuddiga Doorashada Oo Oggolaaday Xisbiyo Cusub