Doorshada Somalia Iyo Qiimaha Dhaqaale

Somalia news

Doorashada Madaxweynaha Somalia ee 2021 waxaa la filayaa inay noqoto mida ugu dhaqaalaha badan marka laga eego diiwaanka taariikhda lacag bixinta labadii doorasho ee soo dhaafay. doorasho kastana waa ay ka lacag badan tahay mida ka dambeysay….

Doorashadii 2017 waxaa calaa qof Xildhibaan la siiyay lacag u dhaxeysay 50 illaa 20 kun oo US$ oo ay bixinayeen Musharaxiinta kuwo ugu loolanka adag ku jiray, doorashada 2021 waxaa la qiyaasayaa inuu kor u sii kaco qiimaha.

Sidoo kale labadii doorasho ee dalka ka dhacday sanadihii 2012 iyo 2017 waxaa asal u ahaa oo dhaqaalaha lagu galay uu ka imaanayay dalal Carbeed, sida Qatar iyo UAE, Doorashada 2021 waxaa la saadaalinayaa inay dalal dhowr ah ay loolankaas qeyb ka noqdaan, danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin awgeed.

Sanadkan Shuruuda diiwaan gelinta Senator-ka Kursiga Aqalka Sare u tartamaya waxaa laga doonayaa lacag dhan $20,000, halka doorashadii hore ay aheyd $10,000, Musharaxa Xildhibaanka Golaha Shacabka waxaa laga rabaa inuu bixiyo $10,000, halka doorashadii 2016 ay aheyd $5,000.

Waxaa la qiyaasayaa diiwaan gelinta Musharaxa Madaxweynaha inay noqoto $50,000 maadaama diiwaan gelintii u dambeysay ee doorashadii 2017 ay aheyd $30,000

Haddaba doorashada Madaxweynaha 2021 imisa ayuu noqon karaa Codka Xildhibaanka ?

64940cookie-checkDoorshada Somalia Iyo Qiimaha Dhaqaale