Shirkado Shidaal Oo Dowladda Kenya ka Dalbaday iney Dib u soo Celiyaan Dhaqaale Horey loo Siiyay…

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Madaxda Shirkadihii Shidaal ee Kenya ay Qandaraaska ku siisay iney Shidaal ka qodaan Baddii ay kula muransanayd Somalia, ayaa dalbaday in loo celiyo dhaqaalihii ay Dowlada Kenya ka hormarsatay…

Madaxda Shirkadaha ayaa ku doodaya maadaama Badda dhanka Kenya laga waayay Shidaal oo qaybtii laga helayna loo xukumay Somalia oo Dowlada Kenya soo celiso Lacag dhan $200-million, Dowlada Kenya,ayaa dhankeeda ku dooday in dhaqalahaasi laga soo qaado wax gubtay maadaama heshiiskii fashilmay oo uu yimid, waxaan la filayn.

Balse Shirkadaha, ayaa shuruud uga dhigay Kenya haday rabto in la baabi’iyo heshiiskaas iyo Lacagihii lagu kala qaatay iney Somalia la gasho heshiis Gobol oo Shidaal, Dowlada Kenya way ka hor timid soo jeedinta Shirkadaha, waxayna codsatay in la siiyo 2-sano, maadaama Somalia aysan ka jirin Dowlad lala hadli karo oo masuul ah.’

Heshiiskaas Shidaal,ayaa Kenya ku khasbaya in Badda muranku ka jiray ee Maxkamadu uxukuntay Somalia ay si buuxda u aqbasho go’aanka una aqoonsato Bad Soomaaliyeed, Fursada Somalia ugu jirta cadaadiska Shirkadaha ku leh Lacagta Kenya waa in uu soo afjarmo murankii oo Kenya u aqoonsato Baddaas in ay Somaliya leedahay si rasmi ah.

261180cookie-checkShirkado Shidaal Oo Dowladda Kenya ka Dalbaday iney Dib u soo Celiyaan Dhaqaale Horey loo Siiyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com