Siciid Deni oo 40-Maalmood Kadib ka soo Dhoofay dalka Imaaraadka Xageese u Jiheystay…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mr.Saciid Dani Madaxweynaha Maamulka Puntland uu shalay Isniin a ka dhoofey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu halkaas ku sugnaa muddo 40-maalmood ah guri uu ku leeyahay…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Dani uu Safarkiisa ku weheliyo Ilaaliyihiisa gaar ah ayaa yimid Garoowe ka dhoofey 15 Agoosto, safakaan ayaa lagu tilmaamay mid kamid ah kuwii ugu dheeraa ee uu Puntland ka maqnaado kaasoo ah safar gaar ah (private Business), inkastoo si Qarsoodi ah uu ku tagay Dalka Thailand kulana kulmay Shirkaddo Kaluumeysi.

Wararka ayaa sheegaya in Siciid Cabdullaahi Deni uu shalay ka degay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, wuxuuna halkaasi uu ku sugnaan doono muddo todobaad ah, Mudada uu joogo Magaalada Nairobi ayuu kulamo la yeelanayaa Wakiilada Dalalka Daneeya arrimaha Somalia iyo Ganacsatada Beesha Daarood.

Maqnaansha dheer ee Mr.Deni ayaa lagu fasiray Dhaqaale la’aan baahsan oo ka jirta Degaanada, iyadoo ay ku soo beegmatay dhawaan wareysi uu bixiyay Wasiirka Maaliyada Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad kaasoo qirey in muddo 5-Bilood ku siman shaqaalaha iyo Ciidamada Maamulka aysan qaadan Mushahar, halka ciidamada ay uu danbeysey bishii July 2023 mushahar ay qaataan, qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland ayaa laga soo sheegayaa in ay iska bixin waayeen kharajiyaadka joogtada ah sida Biyaha iyo Korontada wuxuuna (Mr.Deni) rajeynayaa in dib loo doorto ama muddo hal sano loo kordhiyo Xilka.

278940cookie-checkSiciid Deni oo 40-Maalmood Kadib ka soo Dhoofay dalka Imaaraadka Xageese u Jiheystay…