Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Saaray Qoraal Digniino xambaarsan

Somalia news

Qoraal kasoo goordhaw kasoo baxay guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ee FEIT ayaa baaq loogu diray xubno falaago ah oo ka tirsan guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka ee shalay gaaray Garbahaarey, kuwaa oo sheegay in ay qabanayaan doorasho…

Guddiga doorashada ayaa ka digay in xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay mas’uuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.

Go’aanka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadayo xilli xubno ka tirsan guddiga, oo ku xiran Farmaajo, ay shalay gaareen magaalada Garbahaarey, halkaasoo ay ka socoto qorshe looga soo horjeedo in doorashada lagu qabto Ceelwaaq.

183910cookie-checkGuddiga Doorashooyinka Oo Soo Saaray Qoraal Digniino xambaarsan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com