Ma Laga Daahiri karaa Dakanooyinka Ay Geysteen Maamulka Faahilmay Ee Farmaajo

Somalia news

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sanadkaan waxaa la diiwaangeliyay dhacdooyin cashar u noqon karta u adeegida Shaqsi, iyo inuu soo dhamaaday Wakhtigii Siyaasiyinta u dhego nugul Mas’uulka Hogaanka u haya Dalka, kuwaasoo ku walaaloobay dakanooyin siyaasadeed kana macaashay boobka Hantida Shacbiga..

Iyadoo Dadka Soomaalida intooda badan ay isla qireen in 4-khasaare laga diiwaan geliyay Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlmaanka oo kala ah:-

In macangagnimada Farmaajo uu Beeshiisa dhaafsiiyay kursiga kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare, halka Fahad isna reerkiisa uu dhaafsiiyay kuxigeenka koowaad Golaha Shacabka, Qoorqoor waxaa uu reerkiisa ka lumiyay fursadii kuxigeenka koowaad ee Aqalka sare haba ugu sii darnaadee Wuxuu 100% Galmudug ka khasaariyay oo gebi ahaanba lumiyeen dhammaan kuxigeenadii labada Aqal ee ay ku fadhiyeen, isagoo ka doorbiday inuu raali geliyo Maamulka fashilmay ee Farmaajo.

Iyadoo Lafta Gareen uu ku fashilmay inuu qabto Doorasho daahfuran oo Dadka degaanka soo xushaan Wakiilo u metela Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, Isbedelaan cusub Hogaanka Gudoonada 2-Aqal ayaa u muuqata mid dhabaha u xaareysa inuu dalka ka badbaaday hubanti la’aanta mustaqbal Dowlada Federaalka.

isku soo wada duub, ma laga yaabaa in Dakanooyinka siyaasadeed iyo mid Maamul ee ay geysteen Maamulka Fashilmay ee Farmaajo iyo kooxaha u adeegaayay iney ka daahirmaan oo aan loo raacan lana xisaabinin.

185790cookie-checkMa Laga Daahiri karaa Dakanooyinka Ay Geysteen Maamulka Faahilmay Ee Farmaajo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com