Ma Dhabaa in Madaxweynaha uu ka soo Dabcay Mowqifkii uu ka Taagnaa Hanaanka Doorashada..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha, Guddoonada Baarlamaanka 11-aad iyo xubnaha Guddiga dibu eegista Dastuurka ayaa sheegaya in dood dheer kadib, ay qodobada qaarkood oo Madaxweynaha iyo kooxdiisa ay ku dhaganaayeen wax iska bedeleen, gaar ahaana kuwa ku saleysan…

Waxeyna kala yihiin Qodobadaan hoosta ku xusan..

-Is Xukunka nooca lagu imaanayo, ay noqoto Doorashada qof iyo codka ah ayuu ku adkeystay Madaxweynaha, taasoo ah in Nidaamka Baarlamaanka laga guuro.

-In Xisbiyada Siyaasada laga dhigo sadex xisbi, oo laga Tanaasulo labadii xisbi ee Dastuurka cusub lagu soo daray.

-In Jagada Madaxweyne kuxigeenka aan xiligaan la abuuri karin sababo badan awgeed, bedelkeedana la qaato Ra’iisulwasaare Madaxweynuhu magacaabi karro, xilkana ka qaadi karo.

-Tiradda Guddiga doorashada, oo ahayd 15 in laga dhigo 18-Xubnood, ayna qabanqaabiyaan doorasho Qof iyo Cod ah.

Dhamaan Qodobada ayaa la sheegay iney yihiin kuwi hordhac, iyadoo aysan xataa intaan isku raacsaneyn Siyaasiinta Mucaaradka ah.

317280cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha uu ka soo Dabcay Mowqifkii uu ka Taagnaa Hanaanka Doorashada..