Wasiir Galmudug Ka Tirsan Oo Amray in La Joojiyo Xaflad Lagu Taageerayay Madaxweynaha Somalia

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka amar qaata wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Jaamac (Waayeel) ayaa is hortaag ku sameeyay hadda xaflad lagu taageeri doono Caawa Madaxweynaha oo lagu wado in lagu qabto Degmada…

Wararka ayaa sheegay in sababta uu Wasiirka u joojiyay xaflada ay tahay in isagu uusan taageersaneen Madaxweyne, balse uu weli taageersan yahay Madaxweynihii hore Farmaajo, Waayeel ayaa haatan isku dayaya in awoodiisa uu ku joojiyo Xaflada.

Dadka wada qabanqaabada ayaa sheegay in ay caawa qaban doonaan xaflada, isla markaana aysan u hoggaansami doonin is hortaaga uu Waayeel ku sameynayo Xaflada, Lama oga in ay caawa dhici doonto xaflada iyo in kale, maadaama wasiir Waayeel uu diyaarsaday ciidamo badan, kuwaasi oo u diyaarsan in ay joojiyaan xaflada.

197620cookie-checkWasiir Galmudug Ka Tirsan Oo Amray in La Joojiyo Xaflad Lagu Taageerayay Madaxweynaha Somalia