Khilaafka Muudeey Iyo Lafta-garen Oo Xal Loo Waayay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo xal ay u waayeen iney xakameeyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, una dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur galbeed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka…

Xogtaan ayaa Warsida Diinah.com news u xaqiijiyay in Khilaafka Labada nin uu muudo dheer soo jiitamaayay, kaasoo salka ku haya arrimo dhaqaale, siyaasad iyo mid shaqsi ah, waxaana la sheegay in isku dayo iyo fadhiyo badan ay sameeyeen Mr.Farmaajo, Mr.Mursal iyo Adeege Fahad Yasin ay ku guuldareysteen iney xal u helaan heshiisiinta labada nin.

Wararka ayaa sheegaya Mr.Lafta gareen uu u sheegay in Degaanada konfur galbeedka Ee uu ka soo galo Xildhibaan Muudey uusan sanadkaan ka soo geli doonin, isagoo sabab uga dhigay Khilaafka kala dhaxeeya, waxaana la sheegay in Mr.Farmaajo uu kula taliyay Mr.Muudey inuu Kursigiisa u rarto degmada Luuq Ee Gobolka Gedo si uu uga soo baxo.

62580cookie-checkKhilaafka Muudeey Iyo Lafta-garen Oo Xal Loo Waayay