Yaa Sabab u ah Kalsooni darrada u Dhaxeesay Shacbiga & Hey’adaha Amaanka

Somalia news

Dal dhisan amnigiisu wuxuu ku taagan yahay wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidamada iyo Shacbiga, hase yeeshee, Dal dhan walba ka burburay sida Somalia gaar ahaan Caasimadiisa Muqdisho, waxaa muddo dheer soo taagneyd kalsooni darro baahsan u dhexeysaa dhinacyadaan…

Kala shakiga iyo kalsooni darro daba dheeraatay ayaa dhex taalla Shacabka Muqdisho iyo Hey’adaha Amniga, waxaa lagu sababeeyaa Hogaanka Siyaasada oo jilicsan, Ciidamada oo aan dhowrin Shuruucda Dalka iyo Cabsi joogto ah oo Shacbiga ka qabaan Ciidamada iyo Kooxaha Argagixisada si isku mid ah.

Kala dheeraanshaha Hey’adaha Amniga iyo Shacabka, waa mida hakisay iney kala war qaataan xiriirka ku dhisan gacan siinta dhanka amniga, taasoo fursad u noqotay kooxaha maleegaya falalka amniga lidiga ku ah, tan kale ee kordhisay kalsooni darrada, ayaa ah dilalka iyo dhaca ay Muqdisho ka geysanayaan kooxaha ku labisan dharka Ciidamada, halka Isbaarooyinka ay noqdeen goobo Dadka Rayidka ah lagu furto.

Dhacdooyinkaasi Shacabku waxey dhaxalsiisay iney ku jawaabaan aamusnaan badan, Bacdamaa Xoogaga Amaanka & Kooxaha argagixisadaba ay khatar ku yihiin amnigooda, Si kastaba ha ahaatee wada shaqeyn iyo xiriir dhab ah oo dhex mara Hey’adaha Amniga iyo Shacabka ayaa shuruud u ah :-

-In Kalsooni la dhiso lana joojiyo Isbaarooyinka lagu ciqaabaayo oo Magaalada loo dhigtay Macaashka.

-In Dowladda la timaado Qorshe Amaan oo damaanad qaadaya Amaanka & Kalsoonida dhisida Shacbiga, yaqiinsatana in Shacbigu Dowlada yihiin.

-In Ciidamada Tababaro loo furo kor loogu qaadaayo Asluubtooda iyo dhowrista Shuruucda Dalka, lana dhiso Maxkamado tayo leh.

209960cookie-checkYaa Sabab u ah Kalsooni darrada u Dhaxeesay Shacbiga & Hey’adaha Amaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com