Dagaal Ka Dhacay Degaanka Baardheere ee Gobolka Hiiraan & Faahfaahino laga Helay

Uncategorized

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray deegaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan Xoogaga di Xoreynta Degaanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-shabaab…

Dirirtaan ayaa timid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka oo kasoo talaabay Wabiga Shabeelle dhankiisa Galbeed ay weerar ku qaadeen Saldhig degaanka Baardheere ay ku lahayeen Xoogaga dib u xoreynta degaanka iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, waxaana goobta ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday

Saraakisha ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney iska difaaceen Weerarka kooxda Argagixisada ku qaadeen Fariisinkooda, iyagoo ka gaabsaday iney xog ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mudo saacad kudhow socday.

Gurmad Ciidan ayaa ka baxay magaalada Baladweyne kuwaasoo ku Wajahan Degaanka Baardheere, iyagoo doonaya iney xoojiyaan ciidanka halkaasi jooga oo sidan oo kale hore loosoo weeraray, Si kastaba, weerarkan ayaa imanaya xili gobolka Hiiraan uu ka socdo abaabulka wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab oo lagu xoreynayo galbeedka Beledweyn oo Shabaabku ay ku xoogan yihiin.

248790cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degaanka Baardheere ee Gobolka Hiiraan & Faahfaahino laga Helay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com