Boqortooyada Sacuudiga Oo Xayiraad Safar Ku Soo Rogtay 16-Dal

World

Warar hordhac ah oo la helay ayaa muujinaaya in Dowladda Sacuudiga ayaa xayiraad duulimaad oo lama filaan ah ku soo rogtay dalal ay ka mid tahay Somalia, iyagoo Rakaabka ka imanaya ka mamnuucday inay dalkooda soo galaa ilaa amar dambe…

Dalka Sacuudiga ayaa soo saaray xayiraadaan oo la xiriirta cabsi ay ka qabaan inuu Dalkooda ku faafo cudur cusub oo loogu magac daray Monkey-box, waxeyna soo saareen 16-Dal iney ka mamnuuceen muwaadiniintooda iney dalkooda soo galaan, waxaana ka mid ah Somalia.

Marka laga soo tago Somalia, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aankaan ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soomaalia ah oo isu diyaarinayey inay Sanadkaan ku soo xajiyaan, iyadoo Wakhtiga Xajka ee Sanadkaan ay naga xigto kaliya bil iyo bar.

190460cookie-checkBoqortooyada Sacuudiga Oo Xayiraad Safar Ku Soo Rogtay 16-Dal
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com