Qabuurihii Macalin Nuur oo ka bilaabatay in Meydadkii ku Aasnaa laga saaro Qabuuraha

Somalia news

Dhacdo naxdin leh ayaa ka jirta Degaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho, gaar ahaan qabuuraha Macalin Nuur,  taasoo ku aadan in meydadkii la aasay 50 sanno ka hor ay hadda la baxayaan eheladooda, kadib markii dad aan la garaneynin ay xili habeen ah burburiyeen qabuuraha…

Dhulkan ayaa dhowr iyo 50  sanno  ka hor waxaa wafaqay ( dar Alle u bixiyay ) Sheekh Macalin Nuur, waxaana ku aasan kumanan  Ruux oo Soomaaliyeed, balse arrintan ayaa bilaabatay Sanadkii hore ee 2022, kadib markii la helay war ku saabsan iney jiraan dad boobab ku haya dhulka.

“Waxaan ugu imaanay Dad badan oo Meydoodkii dhowr sano hor ay ku dugeen halkan la baxaya, sababtana ay tahay in dadkii dhulkani lahaa ay sheegeen iney Dhulkooda rabnaa, waxaa jooga eheladooda iyagoo aad u murugeysan oo Oynaya, waxa ay wataan Karfan cusub si Meydka markii loo soo saaro ay mar labaad dib u dugtaan, waxaan la yaabanay meeshii ay aaday Bani’adanimadii waxaan la yaabanay ma jiro miya qof wax ka qabanaya oo ka hadlaya” ayey tiri Ifraax  Axmed oo mid ah dadka Walidkooda oo ku aasan yahay Qabuuraha Macalin Nuur.

263820cookie-checkQabuurihii Macalin Nuur oo ka bilaabatay in Meydadkii ku Aasnaa laga saaro Qabuuraha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com