Kheyre Oo Ku Sii Jeeda Degaanada Puntland

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya In Wasiirka 1-aad Mr.Xasan Cali Kheyer oo maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa diyaarinta safar shaqo iyo kormeer ku gaari lahaa fursad degaanada dowlada Goboleedka Puntland, Isagoo si hordhac ah qadka teleafanada kula hadlay Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Hogaanka Puntland…

Ujeedada safarkiisa oo uusan wali si toos u cadaynin, ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu raali galin uga bixin lahaa siyaasad xumida ka dhalatay Hogaanka Dowlada iyo dhibtaadii uu sadaxadii sano ee la soo dhaafy loo gaystay shacabka iyo dowlada Puntland, Sidoo kale waxa uu qorshaynayaaa in uu iska beri yeelo siyaasada qar-iska tuurka ah ee uu isagu ka ahaa taabgaliyaha, laakiin ay gadaal ka riixaayo Mr.Farmaajo.

Diinah.con ayaa loo xaqiijiyay in Mr.Kheyre uu shalay mar kale qadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni isaga oo sheegayo in uusan raali ka ahayn waxa ka socda Muqdisho, eedana dusha kaga tuuray Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Kheyre  waxa uu codsaday in uu safar ku tago dekada uu dhismaha ku socda ee Garacad oo hada ku talaabsatay horumar wayn. Kheyre oo lagu sharfay furitaanka dekadaas labo sano ka hor ayaa diiday in uu ka qaybgalo furitaankaas isaga oo ku xumeeynayay shacabka reer Puntland. Mid ka mida mamulka degakada ayaa yiri “ wax qiimi ah oo uu inoo leeyahay imaatankiisu ma jiro, bal waxa uu naga luminayaa waqtigii aan shaqada ku qabsan lahayn….. adeer  ninkaa waa munaafaq waqtigiisa sii dhamaanayo”.

38450cookie-checkKheyre Oo Ku Sii Jeeda Degaanada Puntland