Dhibaatada & Weerarada Kooxda Shababka Oo Joogto ka Noqotay Degaanada Waqooyi-Bari Kenya

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya iney aad u korortay cabsida laga qabo kooxda argagixisada Shababka, kadib markii laba gaari oo kuwa Ciidamada Kenya ay si dirqi ah uga badbaadeen dhimasho kadib markii gaadiidkii ay wateen dul mareen miinooyin wadada loogu aasay…

Wararka ayaa sheegay in falkaan uu ka dhacay Wadada Fino-Sheekh Barrow oo ka tirsam degmada Mandheera, Kooxdaan Ciidamada oo ka baxay tuulada Fino waxeyna ku sii jeedeen Tuulada Sheekh Barrow, ayaa haleeshay miinada nooca soo boodada ah, Gaadiidkaan ayaa ka mid ahaa mid nooca Gaashaman, waxaana xigay qaraxa kadib is-rasaaseyn.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, weeraradaan ku dhufo oo ka dhaqaaq ayaa degaanada Soomaalida Kenya iyo Lamu aad ugu soo kordhaayeen Sanadihii ugu dambeeyay, Maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay ku dhuumaaleystaan dhulka baadiyaha iyo keymaha Lamu, Xoogaga Amaanka & Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen la-dagaanka Kooxda argagixisada Shababka.

203630cookie-checkDhibaatada & Weerarada Kooxda Shababka Oo Joogto ka Noqotay Degaanada Waqooyi-Bari Kenya