Tirada Dhalinayarada Soomaalida ah ee lagu dilay Dalka Canada oo korortay..

Somalia news World

Waxaa aad u kordhay Sanadkaan tirada Dhalinyarada Somalia ka soo jeeda ee ku nool Dalka Canada ee Sanadkaan la dilay taasoo tiradooda gaartay ilaa 5-Dhalinyaro ah sida sy xaqiijiyeen Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Dhalinyarada, iyadoo Xoogaga Amaanka Dalkaasi ay ku fashilmeen iney xakameeyaan..

Wararka ayaa sheegaya in Dilalkaan intooda badan ay ka dhacaan Toronto, Gobolka Ontario, Alberta iyo Ottawa, Baarista ayaa la sheegay in la soo bilaabay 18-sano ka hor, iyadoo ololahaan Dilalka aan sababo macquul ah loo heynin marka laga reebo Kooxaha Gangesters-ka ee ka ganacsada Mandooriyayaasha iyo gacan ku heynta Suuqyada.

Waxaana la sheegay in Dhalinyaradaan intooda badan ay Waxbarashadii ka hareen ayna sababtay iney si fudud suuqa u galaan, Waalidiintana khilaafka dhexdooda uu qeyb weyn ka qaato in Caruurtooda ay u nuglaadaan isla markaasna mustaqbalkooda halis galo, Dhibatabaan ayaan ku ekeyn Dalka Canada Dhalinyarada ku nool waxaase ka mid kuwa ku nool USA, UK, Sweden, Denmark iyo Finland.

320850cookie-checkTirada Dhalinayarada Soomaalida ah ee lagu dilay Dalka Canada oo korortay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *