Xaalada Magaalada Hargeysa Oo Qasan Mas’uuliyiin & Suxufiyiin Xabsiga la Dhigay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay rasaas ay Xoogaga Amaanku ku fureen Dad Shacab ah oo dhigayay mudaharaad ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi…

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaan Barkhad oo qeyb ka ahaa bannaanbaxayaasha ayaa la sheegay in xabad uga dhacday lugta, iyadoo loola cararay Isbitaalka, Magaalada Hargeysa ayaa maanta qasan, Xoghayaha Warfaafinta xisbiyada Wadani Maxamed Faarax Cabdi iyo UCID Yuusuf Kayse Cabdulaahi iyo Wariye Xamse Gelle oo ka tirsan Saab tv ayaa Xoogaga Amaanka xabsiga u taxaabeen.

https://fb.watch/dxrmr-C5Gy/

Waxaana qeybo kamid ah ka soconaya bannaanbaxyo ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradka, kuwaasoo ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu doonayo muddo kororsi iyo inuu dib u dhigo doorashada Madaxweynaha oo loo madlan yahay 13 bisha November, ee sannadkan 2022.

193860cookie-checkXaalada Magaalada Hargeysa Oo Qasan Mas’uuliyiin & Suxufiyiin Xabsiga la Dhigay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com