Ma Dhabaa in 2-Maleeshiyo Oo Taabacsan Shababka Ku Dagaalamayaan Degaano hoos taga Degmada Ceelbuur..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Degmada Ceel burr ayaa la sheegay in Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhex maraayo Maleeshiyaad daacad u ah 2-Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare…

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaan uu u dhaxeeyo Maleeshiyaad kooxda Argagixisada ka tirsan oo Daacad u kala ah Mid Magacaciisa lagu sheegay Horjooge Xasan Cabdullaahi Cabdulle oo ka soo jeeda Beesha Duduble halka kan kale la sheegay inuu ka soo jeedo Beesha Murusade, dagaalkaan ayaa ka dhacaaya Tuulada lagu magacaabo Ceel meegag, wuxuuna dhaliyay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in Horjoogaha Beesha Dudble uu qorsheynaayay inuu u baxsado dhanka Ciidamada Dowlada Federaalka oo ku sugan duleedka magaalada Dhuusa mareeb, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Horjoogaha Beesha Dudble uu ka carooday burburinta hantida Shirkadda Hormud iyo xayiraada 35-Farac oo Xarumo Isgaarsiineed oo ay Horjoogayaasha Shababka ku soo rogeen Shirkadda.

271150cookie-checkMa Dhabaa in 2-Maleeshiyo Oo Taabacsan Shababka Ku Dagaalamayaan Degaano hoos taga Degmada Ceelbuur..